Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye-Waa muxaadaro uu sheekhu ku qaadaa dhigayo dhacdooyinka cusub ee maalmahan caalamu Islaamiga ku soo korodhay, ahna runtii qofka muslimkii in uu ka faa’idaysto ciqaabtan Allaah ee ku habsatay amar kutaaglayaashii muddada dheer cadaadiska iyo dulmiga ku hayey shucuubtii ay u talin jireen, Allaahna daallinka madhaafee wuu u seeta dheereeyaa.