NAASIX

                                     

                               Banki Moon: Madaxda Afriki Ha ogolaadaan Faaxishada

                        WQ: Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye



Published on February 07, 2012.  

By Naasix.com


Banki Moon oo ah xoghayaha guud ee waxa loogu yeedho Qaramada Midoobay, ayaa isagoo ka hadlaya kulan ay madaxda dowladaha Afriki ku lahaayeen magaalada Adiisababa ee dalka Itoobiya yidhi: waa in la ixtiraamo xuquuqda falayaasha ficilka qoomu Luud (gay rights). Isaga oo sii wata hadalkiisa ayuu yidhi “ficalkan oo laysku takooraa waa arin mudo dheer ay dowlado badani ihtimaam siin waayeen.”


Hadaba waxaan isku dayey inaan daalacdo sida saxaafada af-Ingiriiska wax ku qortaa, khaasatan ta Reer Galbeedku ku qaabishay hadalkan ka soo yeedhay Banki Moon. Markaan  Googelka  ka baadhay waxa ii soo baxay canaawiin badan ooy ka mid yihiin kuwa hoos ku tibaaxan:


Ban Ki Moon tells African leaders to respect gay rights

UN chief tells Africa leaders to respect gay rights

UN boss tells African leaders they must respect gay rights

Ban Ki-Moon: Africa Leaders Should Respect Gay Rights

UN chief Ban tells African Union summit to uphold gay rights

Ban urges African respect for gay rights


Waxa saxaafada lagu baahiyey in Shriif Sh.Axmed oo ah ninka sheegta inuu madax ka yahay dowlad-ku-sheega ay budhcada Afrikaanku soo dhiseen, uu fadhiyey golihii uu Banki Moon ka yidhi hadalkaasi qadafka ku ah diinta iyo caqiidada Muslimiinta faraha badan ee ku nool qaarada Afrika. Ilaa iminka afkiisa iyo kuwa saraakiisha dowladiisa midna kama soo yeedhin wax diidmo ah oo ku wajahan dhiirigelintaa fuxshiga lagu dhiiri gelinayo.


Hadalkan ka soo yeedhay Banki Moon waxa uu la jaanqaadayaa mashruuca“gumeysi dhaqameedka”“cultural imperialism” oo qayb ka ah “duullaan maskaxeedka” Galbeedku ku soo qaaday Muslimiinta.


Sida lagu sheegay bogga BBC ku leedahay internetka, waxa ay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanku labaduba  ku hanjabeen inay deeqaha iyo mucaawinda ay siiyaan dalalka Afrika u isticmaali doonaan siday dawladaha  qaarada dhaqan-bulsheedkeedu  muxaafidka yahay ugu qasbi lahaayeen inay faaxishadaa ka dhigaan ficil aan wax ciqaaba ku lahayn qawaaniinta dalalkooga, micnuhu waa in la sharciyeeyo lana aqbalo. (Gay rights: Africa, the new frontier/ By Farouk Chothia BBC Africa).


Wasiirada arimaha dibada ee Maraykanka Heleri Kilinton oo diblomaasiyiin kula hadlaysay magaalada Jineef ayaa iyana ku baaqday in la ixtiraamo dadka sidan u dhaqma. Ra’iisal wasaaraha  Ingiriiska Dhayfidh Kamaroon ayaa isaguna sanadkii 2011 yidhi “deeqda waa laga jarayaa dalalka aan ixtiraamin xuquuqda dadka ku dhaqma ficilkii qoomu Luud”.


Madax badan oo  Afrikaana ayaa diiday inay aqbalaan hanjabaada iyo cagajuglaynta Galbeedku ku  doonayo  inuu dhaqanka faaxishada ku faafiyo dalalka  Afrika.


Tusaale ahaan waxaan u soo qaadan karnaa madaxweynaha Gana Joon Atta Milis, oon xataa Muslim ahayn balse Kiristaana, wuxuu gacanta ku saydhay oo sutida u qabtay hanjabaada iyo caga juglaynta Ingiriiska waxana uu yidhi: “Ingiriisku kuma qasbi  karo qiyamkiisa (values) Gaana, aniguna marnaba sharciyeynmaayo faaxishadaa”. (Ghana refuses to grant gays' rights despite aid threat, BBC).


Waqtigan oo aad loo hadal hayo waxa loo yaqaan caalamiyeenta “globalization”, waxa loo baahan yahay in la xusuusto in caalamiyeentu ku koobneen dhinaca dhaqaalaha oo keliya, sida dad badani u haystaan. Xaqiiqadu waxay tahay in waxa Galbeedku ugu yeedhaan caalamiyeenta dhaqanku “cultural globalization” ay qayb weyn ku leedahay mashruucan la doonayo in lagu afgambiyo dhaqanada iyo qaabdhiska nolosha bulshooyinka ka baxsan xerada dhaqanka Galbeedka, khaasatan Muslimiinta oo muujiyey diiditaan xoog leh ooy ku diidan yihiin dhaqanada reer Galbeedka ee khilaafsan diintooda iyo shareecadooda.


Alwaliid bin Cabdul Malik ayaa yidhi: “Haddii aanu Ilaahay ku sheegin Kitaabkiisa qisada qoomu Luud marnaba isma idhaahdeen nin ayaa nin kale u tagi”.


Cilmigan dal-daloolka badan
Damiirku ka meydka yahay

Wanaagu ka dayro yahay

Xumaantu u dooran tahay
Dadkiyo simay xoolihii
Raggiyo dumarkii fur-furay
Intuu dumarkii is-baday
Raggii dumar qaar ka dhigay
Af-duubkiyo qoolka taxan
Run baa lagu daahayaa
Dijaal korayaa qarsoon.

(Hadraawi)


Waxaan xusuusinayaa akhristaha in madax, baarlamaan, wasiiro iyo dowlad midna awood u lahayn inay baneeyaan ama sharciyeeyaan ficilkan iyo fawaaxishta kale ee horarka ku ah diinta iyo shareecada Muslimiinta.


Sidaa awgeed ayuu Abuu Maxamed Ibni Xazm u yidhi:


.“ فمن أحل ما حرم الله تعالى وهو عالم بأن الله تعالى حرمه فهو كافر بذلك الفعل نفسه”


“Qofka xalaaleeya wuxuu Allaah  xarimay isagoo u cilmi leh inuu Allaah xarimay, wuxuu ku gaaloobay ficilkaa awgii”.


Imaam Nawawi ayaa isagoo ka faalloonaya xaaladaha noocaasiya yidhi:


وقد انعقد اجماع العلماء على أن الامامة لا تنعقد لكافر , وعلى أنه اذا طرأ عليه كفر وتغيير للشرع أو بدعة خرج عن حكم الولاية وسقطت”

.“طاعته


"Culimadu waxay isku waafaqeen oo ijmaaca in aanu qof kaafiri imaam (madax) u noqon karayn muslimiinta, haddii imaamka Muslimiintu gaaloobo, sharciga badalo ama bidco ku dhacaba, madaxnimadii wuu waayayaa, in la adeecaana ma banaana". (Imaam Nawawi, Sharxul Muslim: 3/229).


Sheekhul Islaam ayaa isaguna yidhi:


.“فمن أجاز اتباع شريعة غير شريعة الاسلام وجب خلعه , وانحلت بيعته , وحرمت طاعته , لأنه في مثل هذا الحال يستحق وصف الكفر”


"Qofka madaxda u ah Muslimiinta ee banneeya in lagu dhaqmi karo shareeco aan ahayn shareecada Islaamka, waxa waajiba in la casilo oo taliska laga qaado, madaxnimadiisuna wey dhacday, waana xaaraan in la adeecaa, waayo hadday xaaladdiisu sidaasi tahay wuxuu mutaystay in lagu tilmaamo gaalnimo." (Ibnu Taymiye, Mukhtasar Al-fataawaa

Al-Masriya;B:507).


Hadaladan culimadu waxay sheegayaan in dhaqan walba oo shareecada ku lid ahi aanu aqoonsi ka helin Muslimiinta, in la banaystaana tahay kufri iyo gaalnimo, iskaba daa inuu ictiraaf iyo ogolaansho ka helo qaanuunka iyo dustoorka dowlad islaamnimo sheegaynaysa.


Banki Moon iyo cidda uu afkooga ku hadlaa ha ogaadaan in shareecada  iyo axkaamta diinta Islaamku ay yihiin axkaam dadku badali karayn, sidaa awgeed ay tahay arin aan suura galayn inuu ka sugo Muslimiinta ku nool qaarada Afrika inay aqblaan wuxuu ugu yeedhay“ xuquuqda falayaasha ficilka qoomu Luud” (gay rights) , xataa haddii ay dowladahoogu aqbalaan.


Fuxshigani waa dhaqan xun oo faafitaankiisa uu sii laba jibaaray fikirka libiraaliga ah ee maanta sida laxaadka leh ugu dhex faafay dunida reer Galbeedka, kaasi oo xumaantiisa iyo qubxigiisa ay ka qaylinayaan dadyoow badan oo aaminsan diimaha Kiristaanka iyo Yahuudiyadda. Waxay dhammaantood dareemayaan dhibta iyo dhaawaca uu dhaqankani u gaysanayo dadnimada iyo abuurka toosan ee bani’aadanka.


Libiraaligu waa fikir baas oo belo caqliga kaga mudan tahay, run sheegu ku adag yahay, fuxshiga iyo xumaanta u dhego-nugul, wanaaga iyo wixii fiicana ka dayriya. Jecel duminta akhlaaqda iyo xishmada. Dhaxalka liita ee fikirkani wuxuu sheegayaa inuu dacalada ka buuxsaday wax walba oo xun, col iyo abaarna ku yahay wax walba oo wanaagsan oo saad iyo sahay u ah aadanaha.


Waxa fikirkan hormood iyo qabqablayaal ka ah duul shaydaanku duufsaday oo xumaanta walwaala, u suul-dhabaaleeya fitnada iyo sharka, horseed ka ah halowga, garaadkoogu asqeysan yahay, ficilkooguna dardaran yahay. Waa duul ka dareen la’ xaqa iyo wanaaga, ka dhoohan risaalada Rabi, ka qardo jeexay jidka Alle ee toosan, ka hadaafay sunaha Rasuulka kana xuubdhacsaday, akhlaaqda suuban iyo qiyamka waxtarka leh  ee dadku kaga soocmay xoolaha.


Dhaqamada iyo hab-nololeedka ka farcamay kana dhashay fikirka libiraaligi waa dhaqamo dhib ku keenay bulshooyinka aadanaha, waa dhaqamo cirka ku shareeray tirade caruurta ka dhalatay cilaaqaadka xaaraanta ah, sababna u noqotay korodhka burburka guryaha. Waa dhaqamo col la ah abuurka iyo fitrada aadanaha, waana dhaqamo horseed ka ah caadaysiga ficilada qubxiga huwan ee bulshooyinka ku dhaqmaa la tawaawacayaan, sida ilxaadka, Alle ka-caymadka, falka qoomu Luud, zinada, daroogada, qaawanaanta, anshixumada, ka ganacsiga xaaraanta iyo burburinta anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan.


Khatarta fikirka libiraaligi ku keenayo dunida Islaamku waa mid halisa, sharkiisuna waa mid hadduu baaho jiilalka soo koraya ku ridaya booraan hadimo, kuna hagaya tubta halaaga. Khatartani waxay ku sal haysaa dadaalka abaabulan ee calmaaniyiinta iyo kooxaha libiraaligi ugu jiraan siday u burburin lahaayeen caqiidada, qiyamka iyo akhlaaqda Muslimiinta.


Kala duwan siyaabaha ay libiraaliyiintu u adeegsadaan siday u fulin lahaayeen mashruucooga wax-fasahaadinta ah, waxana faro badan wadiiqooyinka ay u  maraan duminta dayrka diinta iyo ka-talaabsashada xeerarka shareecada. Waxay gabood ka dhigtaan ereyo dadka lagu siri karo, laakiin gudaha ku xambaarsan faajirnimo iyo Islaam-ka-orod, sida: xoriyada shakhsiga ah, dhaqaale xora, aqbalida ra’yiga dadka kale (قبول الرأى الآخر), xuquuqda aadanaha, xuquuqda dumarka, sinaanta ragga iyo dumarka (gender equality) iwm, oo intaba ay ku qeexayaan sharax si walba u waafaqsan fahamka, taariikhda, dhaqanka iyo qiyamka libiraaliga ah.


Waxba ayuu hadalku ila durkine waxaan ku soo afjarayaa in libiraaliyadu ayna dan iyo maslaxad u ahayn ummadda Islaamka, waayo waa nidaam ka falaagoobay Islaamnimada, waa falsafad aan dheg jalaq u siinayn amarada Rabi, waa dhaqdhaqaaq ku asqaysan xumaan iyo fuxshi, waa diin baadil ah  oo qofka u adoominaysa shahawaadkiisa iyo hawadiisa. Sidaan hore u soo sheegay duulkan falsafadan daba hadaafayaa waa kuwo qumanahoogu qoorta ugu jiro, hawo raaca, Islaam ka-carara, kana santaagaya inay adoomo u noqdaan Rabigoogii abuuray.


Waxa runa in ka-hortaga duulaankan hororka ku ah anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan  uu yahay waajib waqtigan saaran ummadda Islaamka, khaasatan culimada iyo ducaada, sidaa awgeed waa in la qaawiyo wejiga foosha xun ee faajiriintan, waa in daaha laga faydo mashruucooga khiyaanada huwan, waa in la baafiyo oo meel walba laga naadiyo xumaanta iyo fuxshiga ay maldahayaan, waana in dibadda la soo dhigo dhagarta ay maleegayaan iyo suldaarka ay ummadda la damacsan yihiin.


Fisqigan iyo faajirnimadani waxay lid  ku tahay abuurka  caafimaadka qaba ee toosan, wuxuu duminyaa akhlaaqda, wuxuu haligayaa macnaha dhabta ah ee dadnimada, wuxuu dilayaa raganimada. Xukunka uu shareecada ficilkani ku leeyahay waa mid adag oo la yaqaano, qofkii Muslina ee sameeya fuxshigan isagoo xalaashanaya wuu gaaloobayaa, diintana wuu ka baxayaa.



Ilaahayow khayrka iyo  xaqa na waafaji, caqiidada iyo diintana noo xafid, nagana badbaadi fitanka iyo balaayada.