NAASIX

                                    

                                                                    

                                                                         Kaalay ila Arag Jannada





Published on October 17, 2011.

By Naasix.com

Furaha Jannadu waa ( user name) " Laa ilaaha ilal Allaah, Muxammadun Rasuulullaah"
Furaha Jannada ( Password) ku waa " camalka saalixa ah oo la sameeyo, qofkaan camal saalixa sameysan, muftaaxa jannadu uma furo.
Qofka ugu hor galaya Jannada Rasuulka Allaah, Muxammad SAWS, kadib markuu u shafeeco muminiinto.

Albaabada Jannadu Waa Siddeed:
Albaabka Muxammad SAWS, oo la yidhaah albaabka tawbada
Albaabka Soonka, oo la yidhaah, albaabka Rayaan
Albaabka Sakada
Albaabka Sadaqada
Albaabka Xajka iyo *****rada
Albaabka Jihaadka
Albaabka xidhiidhinta (waalidka, qaraabada iyo wuxuu Allaah faray in la xadhiidhsho)

Darajooyinka Jannada, iyo Qolalkeeda:
Jannadu waa darajooyin, waxaa ugu sarreeysa, Al Firdows Al Aclaa. wexeyna ku hoostaallaa Carshiga Raxmaanka Caza wa Jalla,

oo ay ka soo burqadaan wabiyaasha jannada ee afarta waaweyn ah:
1. Webiga Caanaha
2. Webiga Malabka
3. Webiga Khamriga
4. Webiga Biyaha


Maqaamyada Jannada Firdowsa:
Firdowsa dhexdeeda waxaa ugu sarreysa Maqaamka la yidhaah ( Al Wasiilah) oo ah maqaamka Rasuulka SAWS, qofkii u barya allaah Rasuulka SAWS in maqaamkaas la gaadhsiiyo, wuxuu xaq u yeeshaa in Rasuulku SAWS uu u shafeeco qaado maalinka qiyaamaha.

Waxaa ku xiga qolalka ahlul Cilliyiin, oo ah daaro isdulsaaran, oo ka sameysan jawahirta qurxan oo qaaliga ah iyo dhagaxda ( Gems) oo ay hoostooda webiyaashu durdurayaan. Maqaamkaana waxaa leh Nabiyaasha, Shuhadada, kuwa Dhibka iyo cudurrada ku sabra, iyo kuwa isku jecel Allaah dartiis.

Waxaa kaloo ku yaalla Jannada qolal ka sameysan jawaahir sida quraaradaha (dhaloodhinka) oo la iska dhex arko. Jannadaas waxaa leh:
1. Qofkii hadal qurxan ku hadla.
2. Masaakiinta cunnada ku sadaqeysta.
3. Saqbadhkiina, markey dadku seexdaanna, u istaaga cibaabada Allaah jeceyl awgiis.
Waxaa markaas soo hadhay darajooyinka boqolka ah oo dadka inta soo hadhay loo kala qaybiyo, qofwalba iyo wuxuu shaqeystay intuu noolaa. Waxaana ugu liita darajada qof leh hantida iyo maalka toban oo boqorrada aduunka ugu taajirsan.

Magacyada Webiyaasha Jannada:
Jannadu waxay leedahay webiyaal iyo ilo (harooyin) oo ka soo wada burqada afarta webi ee ka yimaada Firdows Al aclaa, waxaana ku soo arooray magacyadooda Quraanka waxaana ka mid ah:
1.Webiga Al Kawthar: waana webiga Jannada oo la siiyey Rasuulka Allaah SAWS oo ay ka cabayaan Muslimiintu, maalinka xisaabta qiyaamaha, ooy kabban doonaan, kabbasho ayan dabadeed oomi doonin mahadda Allaah darteed, waxuuna Rasuulku SAWS ku sheegay webigaas in xeebtiisa ay ka sameysan tahay luulka qolofkiisa, ( Pearl Shells), carradiisuna ay tahay Misk, biyahiisuna ay ka cadyihiin barafka ( snow), kana macaan yihiin sonkorta, weelashiisuna ay yihiin dahab iyo qalin.
2.Webiga Al Baydakh: Waa wabiga la dhex geliyo shahiidiinta oo ay ka soo baxaan ayagoo u qurxan sida bisha habeenka caddaha ah, ayagoo ka bogsaday dhibkii adduunka ku soo gaadhay Allaah dartiis.
3.Webiga Baariq: Waa webi ku yaal albaabka Jannada, oo ay fadhiistaan shahiidiinta, oo loogu keeno risqigooda jannada, habeen iyo maalin walba.

Ilaha Jannnada ( Lakes):
1.Isha Tasniim: Waa wax ay cabaan ehlu jannadu waana waxa ugu sharafka badan jannada oo ka sameysan raxiiq al makhtuum (Ubaxa carfaya) ooy cabaan kuwa Allaah uu soo dhoweeyey, waxaana loogu daraa Misk kuwa loo yaqaan asxaabul yamiin, waana meesha Allaah dadka faray iney u baratammaan.
2.Isha Salsabiil: Waxaa leh ehlul Yamiin, waana cabitaan lagu daray Zanjabiil.
3.Isha, Mizaajkeedu yahay Kaafuur: Waxaan leh Abraarta, waana cabitaan aan lagu sakhraamin, oon lagu madax wareerin oon caqliga qaadin oo qofka cabaa ka farxisa farax badan oonan ayadoo kale dunida oollin. Waxaana jooga wiilal mukhalladuun ah oo u eg luul la daadiyey oo ku la wareegaya koobab dahab iyo qalin ah.

Cunnada Ahlul Jannada:
1. Hilib, hilibka shimbiraha, faakihada, iyo wax walboy naftoodu tabto.

Geedaha Jannada:
Waa geedo tiirkoodu ka sameysan yahay dahab, caleentooduna dhagaxda Zummurrudka qaaliga ah oo cagaaran, iyo jawahir.
1.Geedka Duubaa: Wuxuu sheegay Rasuulku SAWS inuu geedkaas u egyahay geedka qumbaha, aadna u ballaadhan yahay, oo ay midhihiisu ka soo dhex baxaan dharka reer Jannada ay xidhaan, midho walbana ay ka sameysmato todobaatan dhar la xidho, midabo qurxan oo ayan arkin reer adduun.
2.Sidratul Muntahaa: Waa geed weyn oo ku hoos yaal carshiga Raxmaanka hoostiisa, oo xidikiisu ka soo burqadaan afarta webi, waxaana ku dheehan Nuurka Allaah SWT iyo malaa'ig farabadan, waana maqaamka Sayyidinaa Ibraahiim, CS, ooy la joogaan carruurta muslimiinta ee saqiirtay, oo ku dhintay fitradii lagu uumay, asagoo u ah sidii aabbahood. Caleenta geedkaas waxaa ku yaal cilmiga uunka oo dhan, iyo wax aan Allah SWT mooyee cidkale ogeyn.

Midhaha Jannada:
1. Al Tiin
2. Canabka
3. Timirta
4. Gobka
iyo wax walboo Allah ku uumay dunida oo midha ah iyo waxaan la oqoon oo cusub.

Sifada Reer Jannaadka:
1.Ragga Reer Jannaadka: Waxaa Allaah soo saari doonaa ragga ehlu jannada ah ayagoo u eg aabbahood Adam, ayagoo qaawan, oo qurxoon oo indho kuulan oo *****raggooduna yahay 33 sano jir. Ayagoo leh quruxda Nabi Yusuf, qalbiga Ayuub, iyo carrabka Nabi Muxammad SAWS. Ayagoo allaah u dhameystiray qurux iyo dhallinyaranimo, oonan dhimanin, oonan hurdin.
2.Haweenka Reer Jannaadka: Haweenka Jannadu waa labo nooc:

A. Xuurul Cayn: Waa uun Allaah uu ku uumay jannada, oo loo uumay reer jannaadka oo Allaah uu ku mataalay Yaaquut wal marjaan, ama lul maknuun. waa haween aad u qurqurxoon, carfoon, kor jilcan, haddii mid ayaga ka mid ahi ay soo qooraansato reer adduunka, waxay iftiimin lahayd adduunkoo dhan iyo waxa dul jooga, mu'minkana waxaa sugaya kuwa aan la tirin karin oo ayaga ah.
B.Haweenka Adduunka ee mu’miniinta ah: Kuwaas waa boqorrada Jannada, waana ka sharaf badan yihiin, oo ka fadli badan yihiin, oona ka qurux badan yihiin Xuurul Ceynta.
3. Wiilasha: Waa uunka jannada oo ka adeega jannada oo da' yar, oo u adeega reer jannaadka, ayagoo la wareega cunnada iyo cabitaanka, mar walbana heegan u ah iney u adeegaan ehlu Jannada. Araggooda aad buu u qurxoon yahay taasoo farax gelisa reer jannaadka markey ka qaadanayaan cunnada iyo cabitaanka.
4. Dhasha Jannada Ku dhalata: Dhashaani waa naxariista Allaah siiyo dadka muslimiinta ah oo adduunka ku dhali waayey carruur, hadday doonaan dhallaan, Allaah ayaa siiya carruur ehlul Janna ah ooy ku farxaan, raxmaddiisa awgeed.

Allow naga yeel kuwa dhaxla Jannadaada, oo istaahila nicmadaada.
Allow naxariistaada nagu daji daaraheeda.
Allow nagu arzaaq fardowsada sare adigoo noo naxariisanaya haddaanaan ku istaahilin camalkeenna, maxaa yeelay ma hayno camal na gaadhsiin kara Fardowsada sare, marka laga reebo jaceylka aan u qabno aragtida wajigaaga kariimka ah, iyo jaceylka Rasuulka SAWS na soo gaadhsiiyey hagar la'aan fartiintaadii oo kaamil ah.

Ugu Danbeyntii:
Walaalayaal aan u shaqaysanno daar taas cajiibka ah, qaaliga ah aana la heli karayn daar la mid ah waa daar loo diyaariyey kuwa ka cabsada rabbi waa daar aan ciyaar ciyaar lagu tagin waa daar u baahan soojeed ku fakar iyo u shaqaysi baddan waa daar mudan in loo hiloobo, waa daar aan daar la mid ah la maqlin lana arkin waa daar ku dheehan naxariis raxmad, waa daar soo dhoweyn iyo sharaf loogu tala galay waa daar u qalanta muminiinta ka cabsada Alle waa daar raaxo loogu talagalay waa daar aysan ili arag waa daar aan dhegi maqal waa daar aan ku soo dhicin qalbi bini-aadam.

Alloow danbigayaga dhaaf oo noo naxariiso nagana yeel Addoomadaaga aad u diyaarisay daartaas.



WQ: Fadumo

  FG: Maqaalkan waxaa laga soo qaatay wacdi.com, posted on December 6, 2009.