Nin Walaalkii Alle Dartii U Jeclaaday oo Isagiina Alle Jeclaaday
Published on October 17, 2011.
By Naasix.com
Muslim baa ka wariyey Abuu Hureyra in uu nabigu (scw) yiri: nin baa booqday walaalkiis tuulo kale ku sugan, markaas baa Ilaahay jidka u cimilgaliyey (dhigay) malag, markii uu soo maray buu yiri: xaggee doonaysaa?, markaas buu yiri: waxaan doonayaa walaalkay oo tuuladaan ku sugan, wuxuu yiri (malaggii): ma wuxuu kugu leeyahay wax gallad (gacan) ah oo aad uga abaal-gudaysid?. Wuxuu yiri: maya, waxaanse u jeclaaday Ilaahii cisada iyo weynaanta lahaa dartiis, wuxuu yiri (malaggii): anigu waxaan ahay ergay Ilaahay kuugu soo diray (in aan kuu sheego) in uu Allaah kuu jeclaaday sida aad (ninkaas) isaga dartiis ugu jeclaatay.
Sharax gaaban:
Qur’aanka Ilaahay wuxuu ku sheegay in mu’miniintu walaalo uun isu yihiin, nabiguna (scw) wuxuu yiri: muslimku waa uun muslimka walaalkii, oo ma dulmiyo, ma hoojiyo (uma hiilin waayo), mana xaqiro. Qur’aanku wuxuu ku sheegay muslimiinta in ay isku naf yihiin, oo wuxuu yiri Ilaahay: nafihiina ha dilinina, wuxuu kale oo yiri: nafihiina ha ceebaynina,wuxuu kale oo yiri: markii aad maqasheen (beenta munaafiqiintu ka sheegeen Caa’isha iyo Safwaan oo ah in ay sinaysteen) maxay mu’miniinta iyo mu’minaadku nafohooda khayr ugu malayn waayeen, ayna u oran waayeen: kani waa been abuur iska cad. Waxaa looga jeedaa: qaarkiin yaanu qaarka kale dilin, qaarkiin yaanu qaarka kale ceebayn, maad Caa’isha iyo Safwaan khayr u malaysaan?.
Rasuulkna wuxuu caddeeyey in ay mu’miniintu isku hal jir oo kale yihiin, wuxuuna yiri: mu’miniintu waxay la mid yihiin xagga is jacaylka, isu naxariisashada, isu caadifoodka sidii hal jir oo kale, oo markii xubin ka mid ah xanuunsato inta kale soo jeedka iyo xummadda la wadaagto. Waxaa intaa dheer in mu’miniinta jacaylkoodu iimaanka ka mid yahay, xuquuqna ay isku leeyhiin. Waxay kale oo ka helayaan jacaylka Ilaahay dartiis ah ee ay isu hayaan in iyagana Ilaahay jeclaado.
Faa’iidooyinka qisada:
Muslimiintu waa wada walaalo, ninkaan wuxuu ku sheegay ninka uu booqanayo in uu walaalki yahay. Ilaahay wuxuu yiri: mu’miniintu waa walaalo uun. Nabigeenu (scw) wuxuu yiri: muslimku waa muslimka walaalki uun.
Xadiisku wuxuu tusayaa fadliga uu leeyahay jacaylka Ilaahay dartiis ah iyo in uu sabab u yahay in Ilaahay addoonka jeclaado.
Diintu way jidaysay in qofku uu u safro booqashada walaalkii darteed,wuxuu kale oo tusayaa fadliga ay leedahay booqasahada dadka wanwanaagsan iyo saaxiibada, Ilaahayna wuxuu ninkaan ku jeclaaday jacaylka dartiis ah iyo booqashada walaalkiis.
Way dhici kartaa in aadanuhu ay arkaan malaa’igta, weliba marka ay dadka isku shabbahaan.
Way dhici kartaa in Ilaahay addoomadiisa qaarkood u soo diro malaa’ig, si ay u soo gaarsiiyaan, qofkaas wax la soo gaarsiiyeyna nabi iyo rasuul midna noqon maayo.
Malaa’igta waxaa Ilaahay awood u siiyay inay isku shabbahdo aadanaha. Malagu wuxuu ninkaas ugu yimi muuqaal aadane.
Qisada waxaa ku cad fadliga ikhlaaska, maxaa yeelay ninkaan jacaylkii Ilaahay dartiis ahaa ee uu u hayey walaalkiis ayuu wuxuu ku helay jacaylka Alle. Jacaylka ninkaas walaalkiis u hayeyna ma ahayn mid ku qotoma abaal uu u galay iyo dano kale midna ee Alle dartii kaliya
ayuu ahaa.
Xiriirka ugu adag ee ka dhexeeya bulshooyinka waa xiriirka caqiidada oo dadku ay isugu xirmaan sida ay isu kala xigaan diin ahaan. Haddii xiriirka diineed lagu kala tagana xiriirada kale saamayn weyn ma leh. Tusaale ahaan: labada qof ee labada diinood kala haysta isma dhaxli karaan, xataa hadday yihiin labo is dhalay, ama is qaba ama wada dhashay. Dhinaca kalena haddii qof muslim ah dhinto oo uusan lahayn xigto, xidid ama xoreeyeyaal muslimiin ah oo dhaxla waxaa dhaxalkiisa qaadanaya muslimiinta guud.
Waxaa aad u sii caddaynaya in aan muslin iyo gaal wax isu ahayn Qur’aanka. Ilaahay wuxuu ku yiri nabi Nuux: isagu (wiilkaagu) ka mid ma aha ehelkaaga, wuxuuna sameeyey camal aan suubanayn. Waxaa kale oo Ilaahay yiri: markay u caddaatay (nabi Ibraahim) inuu isagu (aabbihii) cadaw Alle yahay ayuu ka beri noqday. Waxaa kale oo Ilaahay ka waramay xaasaskii nabi Nuux iyo nabi Luud oo gaalo ahaa, wuxuuna yiri: (labadooda) waxaa qabay labo addoon oo addoomadayada ka mid ah oo wanwanaagsan, markaasay khiyaameen (gaaloobeen), Alle xaggiisana waxba kama ay difaacin, waxaana lagu yiri (labadii naagood) naarta kuwa galaya la gala.
Diinta islaamku dadka waxay u qaybisay labo qolo: mu’miniin iyo kaafiriin. Ilaahay wuxuu yiri: Isagu (Ilaahay) waa kan idin abuuray, waxaana idin ka mid ah ku gaal ah, waxaana idin ka mid ah ku mu’min ah, labadaas qolona waxay ku kala jiraan labo xisbi oo kala ah: xisbiga Alle iyo xisbiga shaydaanka. Qofka mu’minka ahna waxaa laga rabaa in uu jeclaado mu’minka kale maadaama uu Alle jecel yahay, kuna xiran yahay, isla markaasna uu nibcaado gaalka maadaama uu Alle neceb yahay, lana col yahay.
Haddii aynu ogaanay qiimaha qofka mu’minka ah Alle agtiisa ku leeyahay iyo inuu qofkii mu’minka Alle dartii u jeclaada uu Rabbi jeclaanayo, isla markaasna aynu ogaanay inay mu’miniintu walaalo dhab ah yihiin, ayna isku jir iyo isku naf yihiin waxaa ceeb ah, la yaabna
ah in dad muslimiin ah ay colloobaan ama is nacaan ama ay isku xadgudbaan oo is dulmiyaan iyaga oo isku kala saaraya qabiilooyin, deegaano iyo ururo. Waxaa middaas ka sii yaab badan in ay dhiiggooda, maalkooda iyo sharaftooda xalaashadaan iyaga oo ku gabbanaya diin iyo danta muslimiinta.
Waxaa taa ka sii daran in marka muslimiintu is xasuuqayaan ay dhexdooda iyo dhinacyadooda dhooban yihiin gaalo doonaysa inay dhammaantood cagta wada mariyaan, ayna har iyo habeen xasuuq ku hayaan dadkoodii. Waxaa murugo kale ah in dhulka, maalka iyo madaxnimada ay isku haystaan dhammaantood ka wada badan yihiin, dhinac kalena ciidamadii gaalada ee soo weerari lahaa, kana faramaroojin lahaa diyaarsan yihiin.
Sh.Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
FG: Maqaalkan waxaa laga soo qaatay SomaliTalk.com, posted on October 6, 2009.