NAASIX

                                    


                                                                Midhaha Laga Goosto Kala Tagga




Published on January 03, 2012.  

By Naasix.com


Waxaan u mahad naqayaa ilaaheena waaxidka ah ee ina faray Midnimada inoogana digay kala tagga iyo tafaraaruqa waxaan ku sallinayaa Nabigeenii sharafta badnaa ee Muxamad NNK ha ahaatee. Inagoon marnaba soo koobi Karin nimcooyinka waaweyn ee uu ilaahay inagu galadaystay ayaa nimcooyinkaa waxaa ka mid ah inuu Shareecadeenna ku soo dejiyey sabab kasta oo aynu ku midoobi karno, kagana badbaadi karno kala tagga iyo ismaandhaafka baaxadda leh ee saameeyey ummadda muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan bulshaweynta Soomaaliyeed.


Hadii aad u fiirsato shanta tiir ee Islaamka waxaad ka dheehanaysaa inay midnimadu tahay astaan iyo muunad ay muslimiintu ku faani karaan kana dhigan karaan halbeeg iyo hal ku dhag. Hadaynu tusaale u soo qaadano salaadda waxaad arkaysaa kana fahmaysaa sida uu ilaahay inoola rabo midnimo iyo wada jir. Ilaahay wuxuu inoo dooray qiblo keliya, waxaa la ina faray inaan tukano wakhtiyo sharcigu gooyey, loona tukado qaab ay Shareecadu xadiday, waxaa la inoo yeelay hal imaam oo aynu ku dayano, lana ogalayn inaan khilaafno. Kaasi waa hal muuqaal oo muujinaya sida Shareecadu inoogu hagayso midnimada.bal waxaad u fiirsataa Xajka, Soonka, Zakada iyo arimaha Tawxiidka waxaa kuu soo baxaya macnayaal fara badan oo aad kala bixi karto sida ilaahay inoola rabo midnimo iyo wadajir raadeeya nolasheena iyo mustaqbalkeenaba.

Haddii aad akhrido dhaxalkii qiimaha badnaa ee salafkeenii ay ku xardheen kuna qoreen baalasha taariikhda waxaa kuu soo baxaysa inay sabab u ahayd midnimadii iyo iskaashiigii diinta ku salaysnaa ee ay ka run sheegeen, kuna dabbaqeen nolashooda iyo waaqicooda. Midnimadu waa sababka laf dhabarka u ah in ummadi ka tallowdo caqabaatka iyo duruufaha soo wajahay sida Gaajada, Faqriga, Jahliga, Dacfiga, Dib u Dhaca iwm, sidoo kale waa sabab lagu gaadho horumar waara oo midhihiisa la goosto.


Haddii aan u soo noqdo su’aashaydii ahayd waa maxay midhaha laga goosto kala tagga?, waxaan filayaa waa arrin qof kasta oo Soomaaliyeed oo wax garad ahi garan karo fahmina karo midhaha qadhaadh ee aan ka goosanay tafaraaruqa iyo meesha uu inagu furay ismaandhaafka aan sababta lahayni way badan tahay wax yaalaha uu tafaraaruqu dhaxalsiiyo ummadaha waxaanse ka xusi lahaa qodobadan soo socda
:


• Deganaan la’aan iyo inaan la xasilin, dadkeenuna daadsanaadaan daafaha aduunka.
• Qaxootinimo, barakac iyo inay astaan inoo noqoto baahida iyo dawarsigu.
Dayaxaa cirkiyo reerahaas dagaya guudkeena.
Digsigaa lalaayiyo sancada dunidu dhiilootay.
Dadku waxay ku gaareen aqoon durugtay weeyaane.
Idinkuna dun iyo liilan iyo dacas mahaysaane.
Durdurka iyo wabiyaasha oo wada dareerraaye.
Dibaddaad ka baridaan waxaad daanka galisaane.


• Faqri joogta ah iyo baahi aan dhamaad lahayn & inaan ka gaajoono kheyraadka la yaabka leh ee Allaah dhulkeena ku galadaystay.
Soomaali magaceed muxuu maanta sharaf beelay.
Miyirkiyo ismaqalkii muxuu naga madoobaaday.
Mucsurkiyo Abaarraha dhiciyo milicda jiilaalka.
Macaluul daraadeed maxaa maato le’anaysa.
Maxaa muusanow iyo baroor meelkastaba yaala !!.


• In maal nool iyo moodba la waayo miyir iyo maanna lumaan dalka iyo dadkuna ay daadka raacaan.
• Inay lunto karaamada iyo sharafta ummadu, cid kaa haybadaysatana la waayo loona baratamo sidii kheyraadkaaga loo boobi lahaa, dalkaagana loo qaybsan lahaa.


• Dagaallo aan sabab lahayn iyo hirdan joogta ah oo ay ku naf waayaan maato iyo caruur aan waxba galabsan.
Imisaa dagaalada ku lumay duunyo iyo xoolo.
Imisaa saqiir dalandaliyo dumar ku aafoobay.
Imisaa dalkoodii ka qaxay oo gaajo dabargooysay.
Imisaa duqoow iyo wax garad ciidda lagu duugay.
Imisaa ka tegey diinta oo duunyo laga siistay.
Daarihii wacnaa een dhisniyo dabaqyo doordoorran.
Imisaa kudaafadi dagtoon dib u habeeyn waayey.


• Taag darro soo wejahda ummadda iyo in la difaacan Kari waayo sharafta iyo karaamada.
• Cadawga oo ka faa’iideysta kala tagga ummadda ayna u suura gasho inuu hirgeliyo ujeedadiisii ahayd qaybi oo xukun.
• Kalsoonida oo lunta iyo in lays aamini waayo, tuulo kastaana ay tuulada kale ka durugto cadawna ka dhigato.
Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane.
Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene.
Itifaaq la’aan laguma helo lib iyo iimaane.
Abtirsiinyo reer hebela’ iyo oday ku faan tuura.
Indha fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene.
• In la isu adeegsado cadow shisheeye si qolaba qolada kale uga guulaysato, balse aakhirka qolada soo hadha ayuu cadawgu

liqaa, karbaashkana u badiyaa. Talo xumo todoba jeer nin falay haatanna u taagan oo aan naftiisa u tudhayn looma taag helo’e.

• Kala taggu wuxuu umadda ka indho tiraa xuquuqda ay isku leeyihiin iyo waxa ka dhaxeeya ee walaaltinimo iyo islaanimo ah.
Markay taladu kaa weecato eed yarehe waayeyso. Shaydaanku weel madhan mar buu kuu widhwidhiyaa.
• In la dabar go’o jiritaankeenana la waayo, si sahlanna looga baxo khariidada caalamka sidii ummado horeba uga baxeen.
Nimankii dayacan dowladnimo kuma dakeeyaane.
Dullibay mutaan iyo ninkale inuu dumaallaaye.
Daldaloolka cadowgoodu waa kii ku diirsada’e.
Diihaalka bixi waayey iyo diifta nagu raagtay.
Dirdir iyo qabiilnimo haddii dibadda loo tuurro.
Oo daacad loo wada socdoo lagu dakaynaayo.
Gobonimada dararteedu waa inay ku deeqdaaye.
• Tafaraaruqu wuxuu ummadaha dhaxalsiiyaa inay sii kala tagaan koox gaarina ka faa’idin, gaadhina ujeedooyinkii guracnaa ee ay lahaayeen.
• Umadda oo ka mashquusha waajibaadkeeda iyo sidii ay horumar ugu talaabsan lahayd, kuna mashquusha sidii ay isu baabi’in lahayd isagana adkaan lahayd.

Waxaan ku soo koobayaa waa inaan fahanno inaan leenahay cadow inaga baxsan, farxadiisa iyo guushiisuna ay ku jirto kala taggeena, una taagan inuu mindiyaha isugu keen dhiibo kana shaqaynaya inaynaan ka bixin mawjadaha khilaafaadka ah ee aan inagu door bidnay. Cadawgu wuxuu leeyahay hadaf uu doonayo inuu ka sal gaadho wuxuuna ku fulinayaa cidii uu ku fushan karo ee inagu ma leenahay hadaf iyo yool aan rabno inaan gaadhno?, mise waxaan isku waafaqnay sidii hore loo yidhi inaynaan is waafiqin.
Waxaan u baahanahay in miyirku soo noqdo, maskaxdana aan ka shaqaysiino, mustaqbalkeenana aan u naxno, fahannana duruufaha inagu xeeran iyo waxa ummadeena lala maagan yahay.waa inaan garanaa inaan kala tagga lagu xaqiijin Karin himilooyinka aan maskaxda ku hayno, kana badbaadi karin khataraha aan ku jirno.







WQ:C/khaaliq Jaamac Ismaaciil
darwiish101@gmail.com