Maxaan Midnimada Ka Weynay?
Published on December 30, 2011.
By Naasix.com
Aalaaba waxaa la Arkaa in ibnu aadanku diido waxa aanay dani ugu jirin ama uu dareemay
inay dhibaato ka soo gaadhayso amaba ay ku tahay magac xumo iyo maamuus daro, waxaase
la yaab leh marar badan inaad aragto qof ama ummad ka biyodiidaysa dantoodii iyo
maslaxadoodi una baratamaysa waddadii ay ku lumi lahaayeen kuna halaagsami lahaayeen.
Waxaa
dhacda in dhakhtar daawo u qoro qof bukaana, daawadaas oo laga yaabo inay sabab u
tahay inuu ka kaco xanuunkan daashaday ee nolashiisii khatarta geliyey, waxaase dhacda
in qofkii bukaanka ahaa daawadii daadiyo oo aanu cunin, dhakhtarkana u sheego inuu
dhamaystay kuuradiisii (daawadiisii).
Akhristow Su’aasha aad is weydiin kartaa waxay
tahay sidee dhakhtarku u caawin karaa bukaankan naf la caariga ah ee daawadiisii
qashinka ku daraya?. Waxaad kaloo is weydiin kartaa sidee u caafimaadi karaa mariidkan
aan daawada qaadanayn?. Muxuu daawada ka waayey ama u diiday?. Muxuuse ku doorbiday
in xanuunkani sii hayo?.
Xaaladan oo kale waxaa la mida ama kaba daranba markaad aragto
sida ay ummadii soomaaliyeed u kala fogaatay ugana biyo diidayso inay midowdo isuna
geyso maankeeda & muruqeeda, iyo siday u baasaysatay wada jir iyo iskaashi ay kaga
dabaalato burburkan lixaadka ah ee maansheeyey dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay.
Hadii aad dhegadhegayso ama indha-indhayso warbaahinta soomaaliyeed waxaad maqlaysaa
hadalo badan oo dhiilo xanbaarsan kana turjumaya heerka mukhaalafo iyo midnimo darro
ee ummadu heehaabayso. Dhawaaqyada isdaba jooga ee aan loo meel dayin ayaa ah kuwo
caado u noqday inay ka dhex yeedhaan kulamadeena iyo shirarkeenaba. Hadaladaas ayaa
ah kuwo dhantaalay midnimadii ummada, horseedayna waddo ma dhamaato ah oo shacabka
lagu marin habaabiyey.
Gabyaa Soomaaliyeed Baa Yidhi:
Waddankey ku noolayd abido waaqeed ay joogtay
Ummad
waaraad loo qaybsadoon kaba walaacaynin
Ummad aan ka waababa aqoon dabinka weegaaran
Ummad
wadajirkii diiddanoo kala waswaasaysa
Ummad waddici gobonimadiyoo wacan gumaystiina
Ummad
uu wadkeedii galoo waalo tumanaysa !
Talow Maxaan Midnimada Ka Weynay?
Midnimadu
waa xoogga ay ummaduhu ku difaacaan sharaftooda iyo karaamadooda, kagana hortagaan
khataraha waaweyn ee salka ka rujin kara jiritaankooda, sidoo kale waa arrinka u
sahla inay muquuniyaan cadowgooda, horumarna ka sameeyaan hirdanka siyaasadeed ee
aan la hurayn. Midnimadu waa deyrka ay umaduhu iska wareejiyaan si ay isaga xaydaamaan
balaayooyinka uu cadawgu la gaafwareegayo, waana dhufayska ay ka galaan dhagaraha
loo maleegayo ee lala maagan yahay. Haddiise ay dhacdo in ummadaasi ku fashilanto
hanaankii midnimo ee looga baahnaa waa calaamad muujinaysa in ummadaasi ayna hanan
Karin jiritaan ay ku naalooto, kartina u yeelan Karin inay caga badan ku sii taagnaato.
Midnimadu waa furaha harumarka, horumarku waa bartilmaameedka ay ummaduhu ku taamayaan
inay haleelaan, xoog iyo xoolana isugu geeyaan sidii ay ku gaadhi lahaayeen. Hadaba
haday rabto ummadi inay ku Talaabsato isbadel muuqda oo ay ka samayso dhamaan dhinacyada
ay rabto inay horumar ka gaadho, una aydo mustaqbalka dhow iyo ka fogba, kana baxdo
khaanada loo yaqaan dunida saddexaad oo macnaheedu yahay (kuwa dib u dhacay kuna
fashilmay inay horu kac sameeyaan), waxaa la gudboon ummmadaas sidii ay u midayn
lahayd shacabkeeda iyo tamarteedaba.
Arrimaha lama dhaafanka ah ee aanay la’aantiis marnaba suuro gal ahayn inay ummadi
samayso horumar ay ka midho dhaliso kuna xasisho waa midnimo iyo iskaashi dhex mara
dhamaan xubnaha ay ka kooban tahay.Waxaan odhan karnaa midnimadu waa bar bilowga
horumarka .
Midnimadu waa sababka ay ummaduhu ku xaqiijiyaan himilooyinkooda una
maraan inay gaadhaan hankooda. Marka laga tago binu aadamka xitaa xayawaanka ayaa
gartay inaanay suura gelin karin ujeedooyinkooda illaa ay cagta la helaan wadada
midnimada. Haddaan tusaale u soo qaadano shinida oo aan aragnay xajmigeedu inta uu
dhan yahay, hadana waxaan is weydiin karnaa muxuu yahay arrinka u sahlay inay samayso
maadadan qiimaha badan (Malabka) ee aan la soo koobi karin faa’idooyinka ay u leedahay
binu aadamka?. Waxaan ku micnayn karnaa inuu yahay iskaashiga layaabka leh ee ay
ka dhex abuurtay xubnaha ay ka kooban tahay, waana tafsiirka aan siin karno guushan
amaanta mudan ee aan marnaba la moogaan Karin.
Bal Aboorka eeg siday ugu suura gashay
inuu dhidbo dudumada lixaadka leh ee uu ka qotamiyey arlada guudkeeda?.
Miyaanay ahayn
midnimo, miyeyna ahayn is afgarad iyo hawl loo dhan yahay oo mid walba oo iyaga ka
mid ahi gartay qabtayna wixii isaga kaga aadanaa. Aboorkuba alleykuu dhisaa aqallo
waaweyne markaan aragnay daartuu ebyey baa la ashqaraaraaye.
Waa su’aale Maxaan innagu
Midnimada Ka Weynay?
Wadamada horumaray waxay qorshayaashooda koowaad ku darsadeen
sidii ay u heli lahaayeen xulufo iyo gaashaanbuur ay iska kaashadaan arrimaha dhaqaalaha,
militariga, siyaasadda iwm, taasi waa ta keentay in maanta Yurub isu habarwacato,
dajisana istiraatiijiyo cusub oo ay ku wajahdo caalamkan, kuna talaabsato inay midayso
lacagteeda, qorshaysana inay noqdaan hal wadan oo hal meel looga arrimiyo. Maraykanka
oo ah wadamada maanta caalamka ugu tugtugta roon ayaa wada hindise la magac baxay
(Union of North America) oo uu doonayo inuu ku gaashaan buuraysto wadamada Canada
iyo Mexico kaas uga dan leeyahay inuu helo cudud kale oo isaga ka baxsan.Waa suaale
muxuu Maraykan oo ku dhaw 300 oo milyan xulufo u raadinayaa Soomaali oo 10 milyan
ahina midnimo u saluugtay?.
Gabyaa Soomaaliyeed Baa Yidhi:
amaan ma lihid shacabkoow
haddaan aad u fiirsadaye
anfariirka Shiinaha dhigay ee Yurub ka uugaantay
ee Alif
malyuun gaadhayaa waa Fartaa qudhahe!
idinkoon Ardaa buuxin baad kala irdhoowdeene!
Akhristow dad badan oo iyagu nasiib u helay inay ku hoos noolaadaan dowlad iyo nidaam
ayaa hadana si ay u ilaashadaan xuquuqdooda aasaasiga ah waxay samaysteen iskaashatooyin
ay ku dhawrtaan sadkooda iyo cadkooda, kuna soo dhacsadaan wixii xuquuqa ee ay tabayaan
inay ka maqan tahay, sida dhakhaatiirta, macalimiinta, shaqaalaha guud ahaan, waxaana
odhan karnaa waa dareenka ay dareemeen inaanay nolosha ku wejihi Karin keli keli
iyo nin toocsi toona.
Gabay Baa Ahaa:
Alleylehe waxaan eegayaa inaad israacdaane
Iblayskiyo wixii uurxumiyo
arami keenaaya
Aduunyada Intaad joogta waa laga adkaadaaye
Dadkii kale ulbay wada
noqdeen adiga mooyaane
Akhristow waxaas oo dhan waxaa ka horeeya kana mudan inaan
xusno in ilaahay kor ahaaye ina faray midnimo iyo wadajir, Nabigeenuna meelo badan
oo sunnada ka mida ku cadeeyey sida muslimiinta ay waajib ugu tahay inay midoobaan.
Waxaan marnaba la soo koobi karin sida qotada dheer ee Shareecadeenu uga hadashay
qiimaha midnimada iyo sida ay inoogu boorisay inaan la nimaadno.
Gabyaa Soomaaliyeed Baa Laga Hayaa inuu Yidhi:
Isku tiirsi baydiin egiyo ururin xoolaade
Ictisimada Islaamkaa la yadhi gebi ahaantoode
Aaydaha diinta iyo sharcigu waynagu
amreene
Axaaddiista Nebigey ku timi saadu aragtaane
Ikhtilaafku waa naar jannana
waa isu imaade.
Waa Su’aale innagu Xagaan Midnimada Kala Qaadnay, Maxaanse Ka Weynay?
Akhristow waxaa
mudan inaan xusno in midnimada aan ka hadlayno loo baahan yahay in lagu qotansho
laguna taago tiirar adag oo aan nuuxsanayn, sal iyo aasaasna looga dhigo ilaahay
kitaabkiisa iyo sunnada Nabi Maxamed calayhi salaatu wasalaam,waana arrinka aanay
midnimo suura gal ahayn hadaan gacanta lagu qabsan.
Gabyaa Baa Yidhi:
Waxse lagu uruurshaa ra'yiga, ama is raac keena
In la helo awood
gobonimo iyo, xeer Islaamiyahe
Hadii kalana eed kama baxdiyo, aano iyo qoyse
Markaasay
utuni beerantaa, laysku aynaba e
Aafadu kolkay durugto ee, layska wada aarto
Agoon
dhalata mooyee markaan, axadna guulaysan
Adaa iile iyo eersasho, bay ku intihootaaye.
Waxaan ku soo koobayaa midnimada waxaa ku jirta liibaanteena aduun iyo tan aakhiraba,
waxaynuna u baahan nahay in aan meel iska dhigno khilaafaadkan aan dhamaadka lahayn
ee ina dhaxalsiiyey duruufahan taxana ah ee isu keen weydaaranaya. Sidoo kale waa
inaan u guntano sidii aan u midoobi lahayn isuna kaashan lahayn, muruq iyo maskaxna
aan isugu geyn lahayn. Waxaan ku soo xidhay akhristow ogow inaan midnimada marnaba
lagu khasaarin.
WQ: C/khaaliq Jaamac Ismaaciil
darwiish101@gmail.com